Skip to main content

Soo dhawoow

Heyso gurigaaga aad jeceshahay

Wac 1-877-894-4663 si aad u hesho caawimo maanta

Bilaash | Badbaadada | Qarsoodi

Maxaan filan karaa marka aan soo waco?  

Washington HAF waxay ku xidhaysaa lataliye guri oo ku siinaya taageero bilaash ah oo qarsoodi ah oo kaa caawin kara doorashooyin badan oo lagaga hortagayo la wareegida. Ka wac khadka tooska ah 1-877‐894‐4663 si aad u qiimeyso kharash la’aan iyo u gudbinta lataliyaha guryaynta ee agagaarkaaga.

Tallaabada 1:

human with phone

Na soo wac

Aan wada hadalno si aan kuu helno la-taliyaha guriyeynta ugu fiican.

Tallaabada 2:

La-taliyahaaga guryeynta ee aqoonta u leh ayaa abuuri kara qorshe ku caawiya.

Talaabada 3:

Waanu kuu Doodaynaa

Lataliyahaaga guriyeynta ayaa magacaaga ugu doodi kara dayn bixiyayaasha iyo kuwa kale.

Talaabada 4: Waxa aanu ku xalinay xaaladaada

Iyada oo ay bixinayso HAF

La-taliyahaaga guriyeynta ayaa kaa caawin kara inaad codsato maalgelin, ka dib waxaa loo qaybin doonaa amaah-bixiyahaaga.

ama

Waxyaabo kale

Lataliyahaaga guryeynta ayaa kaa caawin kara siyaabo kale oo aad uga hortagi karto la wareegida ama hoos u dhigida saameynteeda xun.

Waa maxay Washington HAF?

Washington State Homeowner Assistance Fund (HAF) waxa uu bixiyaa taageero shaqsi iyo lacag gargaar federaali si loo siiyo hantiilayaasha guryaha ee Washington ee u qalma ee ka dambeeya amaahdooda daynta ay ugu wacan tahay dhibaatada faafa. Barnaamijkan waxaa maamula Guddiga Maaliyadda Guriyeynta Gobolka Washington (WSHFC). Wax dheeri ah baro.

Iska jir khayaanada!

Ha siinin qof kasta oo ku caawiya inuu ku caawiyo lacag. Washington HAF  waa barnaamijka kaliya ee loo oggolaaday in lagu qaybiyo lacagaha HAF ee gobolka Washington. Wac 1-877‐894‐4663.

Halkan guji si aad HAF uga soo dacwooto Been abuur/Qiyaano

Miyaan u qalmaa? Codso in lagu soo waco si aad wax uga ogaato

Isticmaal foomka warqaddan si aad u codsato in lagaa soo waco qadka hotline-ka ee Homeownership


Guri ma ku leedahay gobolka Washington?
Ma seegtay inaad bixiso moorgejka guriga?
Ma ka dib dhacsan tahay bixinta canshuuraha guryaha?
Ma ka dib dhacsan tahay bixinta lacagaha Xiriirka Milkiilayaasha Guryaha?
* Muujin waxa loo baahan yahay
() (###) ###-####
Webpage visited

Ku Xidhnow La-taliyaha Guriyeynta

“Ma ka welwelsan tahay inaad lumiso gurigaaga? Aan la hadlo deyn bixiyahaaga.”

Wac 1-877-894-4663

Khayraadka

Su’aalaha badanaa la isweydiiyo

Qaybta FAQ ee soo socota waxa laga yaabaa inaanay ku habboonayn akhristayaasha shaashadda. Waxaan sidoo kale haynaa FAQ PDF ah oo u hoggaansan ADA.

Inaad muwaadin tahay looma baahna.

Ma inaan muwaadin Mareykan ahaado ayaa waajib ah? Ka warran haddii xubnaha qoyskeeda yihiin soo galeetiyo aan sharci laheyn?

Maya, ma u baahnid inaad ahaato muwaadin Mareykan si aad ugu qalanto. Raad raacis kuma sameyno dhalashada ama xaaladda dal ku soo galkaaga ama xubin ka mida qoyskaaga.

Sirta iyo xafidaadda

Sidee baad ku hubin kartaa wararka qofka u gaarka ah iney sii ahaadaan kuwo xafidan oo qarsoon? Magaceygu ma ka muuqan doonaa mid ka mida liiska dowladda? Ma waxa la igu qori doonaa barnaamijyo kale oo dowladda ah? Ma la wadaagi doontaa ama ka iibin doontaa warkeyga qof kale?

Lambarka hotline-ka iyo la taliyeyaasha kama iibin doonaan mana la qeybsan doonaan arrimaha iyo wararka si gaarka ah lagugu aqoonsan karo xukuumad kasta, dadweynaha, ama hey’ad gaar ah. Codsiyada lagu helayo lacagaha federaalka HAF waa qarsoodi wayna xafidan yihiin, laakinse warar kooban ayaa laga yaabaa in diiwaanka dadweynaha codsi dartiis lala wadaago. Muddada howshu socoto, marna laguma weydiin karo inaad keento xaqiijin inaad muwaadin tahay ama xaaladdaad soo galeeti ee adiga ama qof kasta oo reerkaaga ah.   

Guud

Muxuu yahay barnaamijka HAF? Yaa loogu talo galay?

Caawimaadka lacageed ee Washington State Homeowner Assistance Fund wuxuu siiyaa taageero qof ahaaneed iyo lacago deeq oo federal ah—ilaa 60,000 oo doolar ah qoyskiiba—kuwa u qalma ee guryaha ku leh Washington oo ka dib dhacsan bixinta moogejka sababo la xiriira dhibkii cudurka baahsan ka dhashay.

Waxan ku arkay onleenka iyo baraha bulshada warar lagu wareero oo ku saabsan barnaamijka HAF. Sideen ku garan karaa waxa runta ee saxda ah? 

Ayaan darro, waxa ka jira internet-ka warar badan oo been abuur ah oo ku saabsan barnaamijkan, oo gaar ahaan ka yimaada tuugada scammers oo rajeynaya iney helaan lacagaha kaalmada HAF.  Sidoo kale, barnaamijyada HAF ee gobollada kale waxey leeyihiin nidaamyo gaar ah oo lagu hago iyo maalgelin xadidan oo ka duwan Washington HAF. Wac Khadka milkiilayaasha guryaha 1-877‐894‐4663 si aad u hesho kaalmo iyo warar sax ah oo u gaar ah milkiilayaasha guryaha Washington.  

Halkan guji si aad HAF uga soo dacwooto Been abuur/Qiyaano

Halkee bay lacagtu ka imaneysaa?

Lacagaha HAF waxey ka timaadaa waaxda maaliyadda ee U.S. Department of the Treasury, taasi oo qeyb ka ah qorshaha American Rescue Plan Act (APRA) oo Kongoresku oggolaaday 2021.

Sidee baan ku heli karaa caawimaad?

Kaalmo waxay hadda diyaar ku tahay Khadka Hotlie ee Gurig lahaanshaha Washington Homeownership 1-877‐894‐4663.

Kaalmo noocee ah barnaamijku bixiyaa?

HAF wuxuu kugu xirayaa la taliye guryaha ah oo ku siin doona taageero qarsoon kuguna caawini kara kala xulasho badan si looga hortago guri lagaa gala noqdo, oo ay ku jirto helitaanka lacago federal haddii loo baahdo. Wac khadka gaarka ah Hotline 1-877‐894‐4663 oon wax kharash kaaga baxeynin qiimeynta iyadoo lagu xirayo la taliye guryaha ee aaggaaga.

Immisa lacag ayaan heli karaa?

Dadka guryaha leh waxey u qalmi karaan lacago deeq gaaraya ilaa 60,000 doolar, waxey ku xiran tahay xaaladdooda. La taliye guryaha ayaa kugu gacan siin doona qiimeynta baahidaada iyo codsashada.

Waa kuma Wakiilka maaliyadda guryaha gobolka Washington State Housing Finance Commission (WSHFC)?

Waxanu nahay hey’ad gobolka oo iskeed isu taageerta, una go’day iney kordhiso helitaanka guryaha iyo awooditaankooda dadka ku nool Washington laga soo bilaabo 1983. Wakiilku wuxuu maamulaa barnaamijka federaalka HAF ee gobolkeena wuxuuna dusha ka ilaaliyaa urur aan faa’iido doon aheyn oo ka kooban hey’ado ka talo bixiya guryaha.

Khadka gaarka ah

Goorma ayuu Khadka gaarka ah furan yahay?

Isniin ilaa Jimce, 8da subax ilaa 5ta galab ee waqtiga Baasifigga. Haddaad wacdo saacadaha shaqada ka dib, farriin uga tag Khadka Hotline, qofka qaabilsan ayaa dib kugu soo celin doona. Ama codso dib u soo wacitaan adigoo isticmaalaya foomka kore. Ama codso dib u soo wacitaan adigoo isticmaalaya foomka kore.

Caawimaad diyaar ma ku tahay luuqado kale oon Ingiriis aheyn?

Haa! Caawimaad Khadka Hotline waxey diyaar ku tahay in ka badan 220 luqadood.

Yey yihiin la taliyeyaasha guryaha sidee baana ugu kalsoonaan karaa?

Sanado badan, la taliyeyaasha guryaha waxey muhiim u ahaayeen qeyb ka mida isku xirka hey’adaha aan faa’iido doonka aheyn ee gobolka Washington ee u go’doomay ku taageera milkiilayaasha guryaha kaalmo aan eex iyo lacag midna aheyn. Shaqadoodu waxey tahay iney kuu doodaan, raadiyaan xal si aad u heysato gurigaaga, iyo iney hubiyaan inaad gaarto dantaada ugu weyn.

Bahdeena la taliyeyaasha guryaha aan faa’iido doonka aheyn.

  • Parkview Services
  • OIC of Washington
  • SNAP (Spokane Neighborhood Action Partners)
  • American Financial Solutions (AFS)
  • Urban League of Metropolitan Seattle
  • El Centro de la Raza
  • Northwest Justice Project

Howlaha cadsashada

Sidee baan ku codsan karaa? Ma jiraa qof igu caawin kara codsiga?

Wac hadda Hotline-ka Washington Homeownership 1-877‐894‐4663. La taliye ayaa kaa caawini doona tallaabo kasta oo ku hortaalla, oo ay ku jirto buuxinta codsiga HAF. 

Lacag miyaa ku baxeysa buuxinta codsiga?

Maya. Barnaamijka iyo buuxsashada dhammaan waa lacag la’aan.

Waxyaabaha loo baahan yahay maxey yihiin marka la buuxsanayo codsiga?

Waxad u baahan doontaa waraaqo kala duwan oo la xiriira deynta iyo maal-gelinta gurigaaga. La taliye guryaha ayaa kaa caawini doonaa inaad go’aan ka gaarto waxa aad u baahan tahay taasi oo ku xiran xaaladdaada.

Aniga iskey ma u dalban karaa HAF?

Haa, haddii aad raadineyso in ka yar 15,000 doolar oo mucaawinada isku dhan ah aadna ku kalsoon tahay inaad goonidaada u dalbato, waxad ka buuxsan kartaa halkan. Si kastaba, waxan si xooggan ku dhiirri-gelineynaa inaad la xiriirto Khadka hotline-ka 1-877‐894‐4663 si aad gacan uga hesho taliye dhinaca guryaha ah. La taliye dhinaca guryaha wuxuu kaa caawini karaa codsiyada wuxuuna hubin karaa in si wacan qiimeyn lagugu sameeyey dhammaan barnaamijyada muwaawinooyinka ee suurto galka ah, oo ay ku jirto helitaanka kaalmada ugu sarreysa barnaamijka HAF.

Maalgelin iyo u qalmid

Yaa codsan kara lacagahaasi? Sidee baan ku ogaan karaa inaan u qalmo?

Qof kasta oo guri ku leh Washington waxa uu taageero ku heli karaa khadka Hotline. U qalmitaanka taageerada lacageed ee HAF waxey ku saleysan tahay arrimo dhowr ah, oo ay ku jirto dhibka uu keenay cudurka baahsan. Markaad wacdo khadka Hotline-1-877‐894‐4663, , la taliye guryaha ah ayaa kugu caawin doona in go’aan ka gaarto nooca kaalmada ugu habboon.

Maxey tahay dhibka “pandemic hardship?”

Barnaamijka HAF waxa uu talada ku darsan doona waayo aragnimo kala duwan oo lagu qiimeyn doono kiis walba si gooni ah. Wac hotline-ka 1-877‐894‐4663 si aan kugu caawino howsha kuguna helno natiijada ugu suurta galsan.  

Ma qasab baa inaan ku noolaado guriga aan leeyahay si aan kaalmada u helo? Ka warran haddii aan leeyahay guri ii kiireysan ama guri labaad?

Haa, waa inaad ku nooshahay guriga, waana inuu ka badneyn afar (4) qeybood. Laakinse sidaa ay tahay waa inaad weli soo wacdaa hotline-ka 1-877‐894‐4663 si aad u ogaato inaad heli karto caawimaad kale.

Haddii aan qabo deyn COVID-19 la habeeyey, weli ma u qalmi karaa?

Deyn la habeeyey kaama dhigeyso qof aan u qalmin caawimaadda. Soo wac Hotline-ka 1-877‐894‐4663 la taliye ayaa kugu caawini doona inaad u qalanto.

Barnaamijka ma daboolayaa deymaha guriga mustaqbalka?

Maya. Barnaamjka HAF ee Washington waxa uu bixin karaa biilasha qoyska la xiriira ee hadda taagan wuxuuna isku dayi karaa in wada xaajood ka galo bixinta qarashyada aad awoodi karto hadda iyo wixii ka dambeeya, laakinse ma bixiyo lacago aad mustaqblka deymaha guriga ku bixiso.   

Waxan dhowaan gurigeyga ku waayey kala noqosho mana la socon barnaamijkan. Aad miyaan uga soo daahay? Weli lacagahaasi ma ka daba tegi karaa?

Nasiib darro, milkiilayaasha guryaha oo durba ka dambeeyey guri kala noqoshada uma qalmaan barnaamijka HAF. Waxan weli kugu dhiirri-gelineynaa inaad wacdo Hotline-ka 1-877‐894‐4663 si aad u dhisato waddadii aad mustaqbalka guri ugu yeelan laheyd.

Qeybinta lacagta

Lacagaha imika diyaar ma yihiin?

Lacagaha imika waa diyaar. Si kasta uu xaalkaagu yahay, waxa habboon inaad hadda wacdo Holine-ka 1-877‐894‐4663 si aad howlaha u bilowdo.

Maxaan u isticmaali karaa lacagaha?

Lacagaha HAF waxey dabooli karaan waxyaabaha sida dib-u-soo celinta lahaanshihii guriga, yareynta lacagtii aad ku bixin jirtay guriga, hoos u dhig heerka dulsaarka, ceymiska la xiriira guriga, qarashka la xiriira guri lahaanshaha, la daahiddii canshuurta guriga, iyo waxyaabo kale.

Sidee baan ku helayaa haddii aan ku guuleysto?

Ma heli doontid lacag toos laguu siinayo. Haddii aad u qalanto caawimaad maaliyeed, barnaamijka wuxuu u diri doonaa lacagta qolyaha lacagaha kugu leh, sida bangiyada, shirkadaha inshuuransiga, kuwa canshuurta ururiya, ururrada milkiilayaasha guryaha, iwm.

Tani ma deyn baa? Lacagta ma inaan dib usoo celiyaa?

Maya, kaalmada HAF ma aha deyn. Lacagta waxa loo shubi doonaa kuwa deynta kugu leh si loo fududeeyo culeyska dhaqaale ee ku saaran.

Muddo intee ah ayey qaadaneysaa in lacag la helo ka dib marka aan codsiga buuxsado?

Waxey ku xiran tahay arrimo badan. Sida ugu dhaqsiyaha badan aad wacdo 1-877‐894‐4663, ayaad durba caawimaad u heleysaa.

Waxan ahay qof durba gurigii lagala noqday. Lacagtu waqtigeedi ma ku iman kartaa si bangiga looga joojiyo inuu guriga iga qaato?

Waxa dhici karta in laga gaari karo. Sida ugu dhaqsiyaha badan aad u wacdo 1-877‐894‐4663, ayaa laga yaabaa inaan kugu caawini karno inaan gurigaaga kugu badbaadino.

Wararka baahi

Waxan jeclaan lahaa inaan dadka la wadaago barnaamijkan. Ma heysaan waxyaabo aan isticmaali karo?

Fadlan ha ka leexleexan inaad dadka ku soo xirto Hotline-ka 1-877-894-4663. Nooca la daabici karo ee FAQ-gan iyo sidoo kale warqadaha iyo sawirada warbaahinta bulshada ee la wadaagi karo ayaa diyaar kuu ah inaad ka soo dejiso qaybta Qalabka Wacyigelinta ee hoose.

Qodobada La Xiriirka HAF

Riix ama guji baraha hoose si aad ula degto muuqaallada la wadaagi karo, falaayrada, iyo su’aalaha badanaa la isweydiiyo FAQ.

Luqadda Soomaali:

Luqado kale:

Iska jir khayaanada!

Ha siinin qof kasta oo ku caawiya inuu ku caawiyo lacag. Washington HAF  waa barnaamijka kaliya ee loo oggolaaday in lagu qaybiyo lacagaha HAF ee gobolka Washington. Wac 1-877‐894‐4663.

Halkan guji si aad HAF uga soo dacwooto Been abuur/Qiyaano

Nagu saabsan

Barnaamijkan ama mashruucan waxa taageeray, gebi ahaan ama qayb ahaan, abaal-marin federaal oo nambarka HAF0025 oo ay siiso Guddiga Maaliyadda Guriyeynta Gobolka Washington ee Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka.

Iyadoo lacagaha HAF ay ka soo jeedaan Waaxda Hantidhowrka Mareykanka oo qayb ka ah Sharciga Qorshaha Samatabbixinta Mareykanka (ARPA), Guddiga Maaliyadda Guriyeynta Gobolka Washington ayaa maamulaya barnaamijka gobolka Washington.

Komishanku waa koox si guud loola xisaabtamayo, koox is taageerta, oo u heellan kordhinta helitaanka guryaynta iyo awood-siinta iyo ballaarinta helitaanka adeegyada bulshada tayada leh ee dadka Washington. Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo bogga internetka ee Komishanka oo ah www.wshfc.org.

Washington State Housing Finance Commission
Washington Homeowners Assistance Fund